Musuqmaasuqa Dowladda Soomaaliya oo Mar Kale Indhaha Caalamka Soo Jiitay

Hay’ado iyo machadyo caalami ah ayaa warbixinno cusub ku sheegay in musuqmaasuqu uu weli yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha hay’adaha dowladda iyo horumarka Soomaaliya.
Warbixinta ugu dambeysay ee U4 Anti-Corruption Resource Centre oo ay taageerto Transparency International ayaa sheegtay in musuqmaasuqu uu si qoto dheer ugu baahay hay’adaha dowladda, iyadoo dhibaatooyinka ugu waaweyn lagu tilmaamay laaluushka, ku takrifalka hantida dowladda, musuqmaasuqa qandaraasyada dowladda iyo nidaamyada ku dhisan eexda iyo qabiilka. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Soomaaliya ay gashay kaalinta 179-aad ee 180 dal ee lagu qiimeeyay Heerka Aragtiyaha Musuqmaasuqa (Corruption Perceptions Index) ee sannadka 2024, iyadoo heshay dhibco aad u hooseeya.
Sidoo kale, warbixinta BTI 2026 ayaa sheegtay in ku takrifalka dakhliga gudaha iyo deeqaha caalamiga ah uu weli yahay dhibaato baahsan. Waxay tilmaantay in dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ay aad u yar yihiin, isla markaana isla-xisaabtanka iyo la xisaabtanka mas’uuliyiinta dowladda ay weli yihiin kuwo daciif ah.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ansixisay Istaraatiijiyadda Qaranka ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa 2026–2030, iyadoo sheegtay in qorshahan cusub lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa si loo soo celiyo kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka.









