LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

30 Saac Gudahood! Gacan-ku-dhiiglihii Dilay Taliyihii Booliiska Jariiban Oo Qisaas Lagu Fuliyay

Waxaa saaka degmada Jariiban lagu fuliyay xukunka qisaasta ee lagu riday Ibraahim Koodhin, oo ahaa eedeysanihii loo haystay dilka Alle ha u naxariistee G/le Cabdulqaadir Cali Kadleeye, Taliyihii Saldhigga Booliiska Degmada Jariiban.

Dilka taliyaha ayaa dhaliyay caro iyo cambaareyn xooggan oo ka timid shacabka degmada Jariiban, mas’uuliyiinta Puntland iyo ciidamada ammaanka, kuwaas oo si adag u dalbaday in caddaaladda si degdeg ah loo horkeeno gacan-ku-dhiiglaha.

Wararka laga helayo Jariiban ayaa sheegaya in qiyaastii 30 saacadood oo keliya kadib markii uu dhacay dilka, la soo gabagabeeyay habraacyadii sharciga, waxaana saaka lagu fuliyay xukunka qisaasta.

Kahor inta aan xukunka lagu fulin, Ibraahim Koodhin ayaa la sheegay inuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba rakcadood oo salaad sunno ah, codsigaas oo loo aqbalay ka hor inta aan la toogan.

Fulinta degdegga ah ee xukunka ayaa timid iyadoo ay jireen baaqyo xooggan oo ku aaddanaa in si dhaqso leh cadaalad loo mariyo gacan-ku-dhiiglaha, kadib caro ballaaran oo ka dhalatay dilka taliyaha, kaas oo si weyn looga yaqaanay degmada Jariiban.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *