Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis cusub kala saxiixanaya

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ayaa dardargelinaya qorshe cusub oo la xiriira baarista iyo soo saarista khayraadka macdanta ee Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka shaqeynayaan heshiis ballaaran oo dib u habeyn iyo fulin cusub lagu sameynayo iskaashiga dhinaca macdanta.
Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa toddobaadkan u sheegay Anadolu Agency in dowladda Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyn doonto heshiiskii dhinaca macdanta ee Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen sanadkii 2016.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in dib u eegista heshiiskaasi qeyb ka tahay dadaal ballaaran oo dowladda Soomaaliya ku doonayso in si rasmi ah loo dhaqaajiyo baaritaanka khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan macdanta aan wali si buuxda looga faa’iideysan.
Inkasta oo faahfaahinta heshiiska cusub aan si rasmi ah loo shaacin, haddana wararka soo baxaya waxay muujinayaan in iskaashigu diiradda saari doono:
Sahamin iyo baaritaan macdan
Qiimeyn dhuleed iyo xog ururin macdaneed
Soo saarista macdanta ganacsiga leh
Maalgashi iyo farsamo ay keeni doonaan shirkado Turkish ah Dhismaha kaabayaal taageera hawlaha macdanta
Soomaaliya waxaa la rumeysan yahay inay hodan ku tahay macdano kala duwan sida:
Dahab
Tin
Copper
Iron ore
Gypsum
Lithium
Rare earth minerals.
Khayraadkan badankiisa weli si rasmi ah looma sahamin heer ganacsi oo casri ah.









