LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaaliya iyo Shiinaha oo qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo xiriirka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xiriirka labada dal ayaa looga hadlay xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga muddada dheer ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay isla eegeen sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii xoojiyaan wada shaqeynta iyo xiriirka diblomaasiyadeed, gaar ahaan dhinacyada ay labada dal danaha wadaagaan.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto ballaarinta xiriirrada caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibada iyo quwadaha caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *