LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaaliya oo dayax-gacmeedkeedii ugu horreeyay hawada u direysa

Soomaaliya ayaa la filayaa inay sannadka 2027 hawada sare u dirto dayax-gacmeedkeedii ugu horreeyay, iyadoo arrintan qeyb ka tahay iskaashi sii xoogeysanaya oo dhinaca hawada sare ah oo Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa sheegay in qorshahan laga hirgelin doono degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la filayo in laga dhiso xarun loogu talagalay howlaha dayax-gacmeedka iyo cilmi-baarista hawada sare.

Safiirka ayaa sheegay in horumarkan uu tusaale u yahay isbeddellada waaweyn ee Soomaaliya ka socda, isagoo xusay in haddii shan ama toban sano ka hor la sheegi lahaa in Soomaaliya maalin uun dayax-gacmeed hawada sare u diri doonto, dad badan ay arrintaas qosol ka qaadi lahaayeen.

Aktaş ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda, isaga oo tusaale u soo qaatay diblomaasiyiinta shisheeye ee hadda Muqdisho ku nool iyo carruurtooda oo wax ka barata magaalada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *