LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Puntland oo baadi-goob ugu jirta gacan-ku-dhiiglayaashii dilay Sheekh Axmed Yuusuf Haamey

Ciidamada amniga ee Puntland ayaa wada baadi-goob iyo howlgallo lagu raadinayo ragga looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilkii marxuum Sheekh Axmed Yuusuf Haamey, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka Mudug ay sheegeen in la doonayo in cadaaladda la horgeeyo cid kasta oo ku lug yeelatay falka.

Wasiirro ka tirsan dowladda Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo saraakiisha amniga ayaa sidoo kale kormeer ku tegay deegaanada Roox, Laandheere iyo Uunrays, halkaas oo ay bulshada kula hadleen, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara aargoosi, shaqaaqo iyo colaad hor leh.

Mas’uuliyiinta ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay dowladda iyo hay’adaha amniga u daayaan baaritaanka, isla markaana qof kasta oo haya xog la xiriirta dilka uu la wadaago laamaha amniga.

Maamulka gobolka Mudug ayaa sheegay in dhacdada loo wajahayo si waafaqsan sharciga, isla markaana aan loo oggolaan doonin in dilka Sheekh Axmed Yuusuf Haamey uu abuuro colaad kale oo bulshada dhexdeeda ah.

Banaadir24 Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *