Dowladda oo qaaday howlgal culus iyo Al-Shabaab badan oo lagu dilay

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ay fuliyeen howlgal qorshaysan oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasoo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu si gaar ah uga dhacay deegaannada Buulo Cabdalla, oo u dhow Degaanka Mubaarak, halkaas oo lagu dilay 22 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in dadka la dilay uu ku jiray horjooge lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jeeri, oo lagu tilmaamay inuu door ku lahaa dhibaateynta shacabka deegaanka.
Howlgalka ayaa lagu tilmaamay mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, islamarkaana lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale caddeeyay in la sii xoojin doono howlgalada noocan oo kale ah, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka loogana saaro khataraha ay keenaan kooxaha Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay saaxiibbada caalamka ee taageerada siiya howlgalada lagu sugayo nabadda iyo xasilloonida dalka.










