DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo yeelanaya Iskaashi cusub

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Algeria ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Saciid Sacyuud.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Guud ee Amniga Qaranka Algeria Badaawi, Safiirka cusub ee dowladda Algeria u soo magacaawday Soomaaliya Danjire Maxamed Calim, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan.

Wadahadallada labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, dib-u-heshiisiinta, xasilloonida, dowlad-dhiska heer deegaan iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah iyo is-weydaarsiga khibradaha, si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo dhismaha dowladnimada ee labada dal.

Wasiirrada Soomaaliya iyo Algeria ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood, iyagoo tilmaamay in wada shaqeynta labada dhinac ay door weyn ka qaadan karto horumarinta amniga iyo dowlad-dhiska gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *