Qeyb kamid ah Suuqa Bakaaraha oo Maanta xiran

Qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta guud ahaan xirmay, kadib markii ganacsato badan ay ka cabteen canshuuro iyo shuruudo dheeraad ah oo ay sheegeen inay kusoo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Ganacsatada ayaa sheegay in tallaabadan ay saameyn weyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqa, iyadoo dukaamo badan albaabada loo laabay si looga muujiyo diidmada ay qabaan nidaamka cusub ee lagu soo rogay.
Warqad lagu wargeliyay ganacsatada oo si weyn loogu baahiyay gudaha suuqa ayaa lagu sheegay in shirkadaha iyo ganacsatada looga baahan yahay inay soo gudbiyaan dukumiintiyo dhowr ah si loo diiwaangeliyo ama loo xaqiijiyo xogahooda ganacsi.
Shuruudaha la hordhigay Ganacsatada
Warqadda ay ganacsatadu ka cabanayaan ayaa lagu xusay qodobadan:
Business License (Shatiga Hay’adda)
Passport Owners (Baasaboorka mulkiilayaasha)
Company Profile (Profile-ka shirkadda)
Notory / By Law (Nootaayo iyo xeer-hoosaad)
Company E-mail
Phone Number
Bank Account
Magaca milkiilaha guriga iyo ururka deegaanka
Heshiiska kirada guriga
Ganacsatada qaar ayaa sheegay in qaar kamid ah shuruudahan aysan awoodin inay si deg deg ah u buuxiyaan, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen culays hor leh oo lagu saarayo ganacsiga.
Ganacsatada oo ka horyimid nidaamka cusub
Qaar kamid ah ganacsatada Bakaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan diidaneyn bixinta canshuurta dowladda, balse ay ka cabanayaan qaabka loo wajahayo iyo culayska cusub ee lagu kordhiyay.









