DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Soomaali tahriibinayay daroogo oo lagu xiray dalka Koonfur Afrika

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa xiray laba qof oo lagu tuhunsan yahay inay daroogo siddeyaal yihiin (drug mules), kadib howlgal laga sameeyay garoonka O.R. Tambo International Airport ee magaalada Johannesburg.

Tallaabadan ayaa tirada dadka daroogada lagu qabtay garoonkan ka dhigaysa afar qof saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Howlgal dhacay fiidnimadii 27 Abriil 2026 ayaa lagu bartilmaameedsaday dad lagu tuhmayay tahriibinta daroogada, kuwaas oo qorsheynayay inay u safraan magaalooyinka Frankfurt iyo London iyagoo sii maraya Doha ee dalka Qatar.

Booliska ayaa qabtay nin 66 jir ah oo Soomaali ah, kaas oo watay baasaboorka Netherlands, kaddib markii boorsadiisa laga helay 55 kiilo oo khat ah oo qiimaheedu ka badan yahay R100,000.

Sidoo kale, isla maalintaas waxaa la helay shandado kale oo ay ku jireen qiyaastii 45 kiilo oo khat ah, oo lagu qiyaasay in ka badan R90,000.

Haweeney 33 jir ah oo u dhalatay Koonfur Afrika, una socotay Hong Kong, ayaa iyaduna la xiray.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa la filayaa inay toddobaadkan ka soo hor muuqdaan maxkamadda Kempton Park Magistrate’s Court, iyagoo wajahaya eedeymo la xiriira ka ganacsiga daroogada, halka baaritaannaduna ay weli socdaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *