Sanbaloolshe oo markale diiday farriin uga timid Madaxweyne Xasan Sheekh

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay ee Xasan Sheekh Maxamuud uu markale isku dayay inuu furo wadahadal cusub oo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee jira, isaga oo ergo gaar ah u diray Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Ergada oo isugu jirtay ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa la sheegay inay shalay gelinkii hore ay la kulmeen Sanbaloolshe, hase yeeshee wuxuu si cad uga hor yimid dalabka wadahadalka ee ka yimid Madaxtooyada Villa Somalia.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in Sanbaloolshe uu si toos ah u diiday kulanka iyo wadahadalka uu la yeesho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo caddeeyay in aysan jirin wax wada hadal ah oo dhexmari kara labada dhinac waqtigan.
Diidmadaasi ayaa la rumeysan yahay inay sii xoojisay cadaadiska siyaasadeed ee haatan saaran Madaxtooyada, xilli uu dalka Soomaaliya ku jiro marxalad xasaasi ah oo kala guur ah.
Dhanka kale, Sanbaloolshe iyo beesha uu ka soo jeedo ee Xawaadle ayaa weli qaba tabashooyin qoto dheer oo la xiriira maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan arrimaha saami-qaybsiga awoodda iyo maamulka gobolka. Arrimahan ayaa la sheegay inay sii adkeynayaan rajada laga qabo in si degdeg ah xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka jira.
Lama oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonto Madaxtooyada, iyadoo dadaalladii is xigxigay ee lagu doonayay wadahadal ay u muuqdaan kuwo aan weli miro dhalin.









