LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaali lagu hoos qariyay jawaano Bariis ah oo gacanta lagu dhigay

Hay’adda Dakhliga Zambia (ZRA) ayaa gacanta ku dhigtay todobo muwaadiniin Soomaali ah oo la sheegay in si sharci-darro ah looga tahriibinayay gudaha Zambia, iyagoo ku sii jeeday dalka Zimbabwe.

Sida ay shaacisay ZRA, howlgal kormeer oo caadi ah ayaa lagu joojiyay gaari noociisu yahay Toyota Probox oo ku wajahnaa xadka Chirundu One Stop Border Post. Markii gaariga la baaray ayaa la helay toddobada Soomaalida ah oo lagu qariyay qeybta dambe ee gaariga, iyadoo dushooda lagu daboolay jawaano bariis ah iyo badeecooyin kale si aan loo arkin.

Darawalkii u dhashay Zambia iyo toddobada qof ee Soomaalida ah ayaa loo gacan geliyay Waaxda Socdaalka Zambia, halkaas oo lagu sameynayo baaritaanno iyo aqoonsi, iyadoo tallaabo sharci ah laga qaadi doono sida uu dhigayo Xeerka Socdaalka iyo Masaafurinta ee dalkaas.

Dhanka kale, ZRA ayaa sidoo kale shaacisay inay qabatay gaari kale oo si sharci-darro ah dalka ugu sii sugnaa, kadib markii uu dhacay rukhsaddii ku-meel-gaarka ahayd ee lagu soo geliyay Zambia bishii Diseembar 2025, balse aan dib looga saarin dalka sida uu sharcigu qabo.

Hay’addu waxay ugu dambeyn ugu baaqday ganacsatada iyo darawallada inay u hoggaansamaan sharciyada kastamka, iyadoo ka digtay in cid kasta oo jebisa xeerarka ay wajihi doonto tallaabooyin adag, oo ay ku jiraan la wareegidda gaadiidka iyo badeecooyinka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *