Dowladda Federaalka oo hub iyo ciidamo ka dajisay Gaalkacyo & Qorshaha laga leeyahay

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Banaadir24, kana codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama aysan fasax u haysan inay la hadlaan warbaahinta, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saaka fulisay dhaqdhaqaaq ciidan oo la sheegay inuu ku lug leeyahay daabulka hub iyo ciidamo loo wareejinayo magaalada Gaalkacyo.
Sida ay tilmaamayaan xogaha ay heshay Banaadir24, diyaarad ciidan ayaa abaare 8:30 subaxnimo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, gaar ahaan qaybta ay adeegsadaan ciidamada. Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in diyaaradda lagu raray hub iyo ciidamo, kuwaas oo la qorsheeyay in lagu dejiyo garoonka diyaaradaha ee koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Galmudug.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in laba gaari oo sida saanad ciidan la geliyay gudaha garoonka diyaaradaha galabnimadii Arbacada, ka hor inta aan subaxnimadii Khamiista lagu rarin diyaaradda. Sida ay sheegayaan ilahaasi, saanadda ayaa u badan rasaas loogu talagalay hubka fudud iyo kuwa dhexe, halka ciidamada la socda qaarkood lagu tilmaamay kuwo hore uga qeyb qaatay hawlgalladii ka dhacay deegaanka Masjid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xogaha ay ururisay Banaadir24 ayaa intaas ku daraya in kulan gaar ah oo shalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya lagu falanqeeyay xaaladda amniga ee gobolka Mudug. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulankaasi diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amniga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee gobolka, inkastoo aan la xaqiijin go’aannada rasmiga ah ee kasoo baxay kulankaas.
Ma cadda ujeeddada rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqyada la sheegay, mana jirto wax war ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo saartay safarka diyaaradda, nooca saanadda la daabulay ama howlgalka lagu sheegay inuu ka socdo Gaalkacyo.
Sidoo kale, maamullada Puntland iyo Galmudug ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga hadlin wararkan.









