Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed oo Xoojinaya Iskaashiga Amniga Badda iyo Horumarinta

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed u fadhiya Soomaaliya, Park Ji-Hyun, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo labada dhinac ay dib u xaqiijiyeen muhiimadda iskaashiga muddooyinka dheer ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinaca amniga badda, horumarinta awoodda hay’adaha dowladda, iyo taageerada Kuuriyada Koonfureed ee ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay horumar waara iyo sii xoojinta xiriirka labada waddan.









