LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaali farabadan oo ku xayiran Garoonka Qaahira iyo fashilka Dowladda oo…

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ku dhowaad 35 qof oo Soomaali ah ay laba habeen oo xiriir ah ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha ee Cairo International Airport, kadib markii sida la sheegay ay ciidamada iyo maamulka socdaalka ee dalka Masar u diideen in ay gudaha u galaan dalkaasi ama dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa la tilmaamay in intooda badan ay wateen fiisooyin sharci ah iyo dukumiintiyo dhameystiran, hase yeeshee ay la kulmeen xaalad adag oo ay ku sheegeen mid ka baxsan bini’aadannimada.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in dhammaan rakaabka Soomaalida ah laga qaaday baasaboorradoodii, iyadoo sidoo kale loo diiday in ay si xor ah ula xiriiraan ehelladooda ama safaaradaha quseeya. Dadka ku xayiran garoonka ayaa la sheegay in ay ku jiraan haween,
carruur iyo dad waayeel ah oo xaaladooda caafimaad laga cabsi qabo kadib saacado badan oo ay ku sugnaayeen gudaha garoonka iyagoo aan helin adeegyo ku filan.

Qaar kamid ah dadka halkaasi ku xayiran ayaa warbaahinta u sheegay in aysan helin meel ay ku nastaan ama cunto ku filan, islamarkaana ay la kulmayaan cadaadis iyo handadaad joogto ah.

Waxay sidoo kale sheegeen in aysan jirin wax faahfaahin rasmi ah oo laga siiyay sababta loogu diiday gelitaanka dalka Masar inkastoo ay wateen fiisooyin sax ah.

Dadka Soomaaliyeed ee arrintan ka hadlay ayaa cambaareeyay sida loola dhaqmay muwaadiniinta Soomaalida ah, iyagoo ku tilmaamay fal bahdil iyo takoor ku saleysan jinsiyadda.

Waxay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay si deg deg ah uga falceliso xaaladdaasi, islamarkaana ay la xiriirto dowladda Masar si xal loogu helo dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed ee ku xaniban garoonka dalka Masar.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *