Sawirro:- Taliska Guutada 60aad ee Ciidanka xoogga dalka oo Taliye cusub yeelatay

Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Gaashaanle Dhexe Isxaaq Aadan oo loo yaqaano (Isxaaq Berdaale), ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Taliyihii hore ee Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, kaddib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta taliska qeybtaasi.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, masuuliyiin kale iyo marti sharaf kala duwan.
Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay dukumiintiyada, agabka iyo masuuliyadda hoggaaminta Qeybta 60-aad, taasoo ka dhigan in Taliyaha cusub uu si buuxda ula wareegay hoggaanka qeybtaasi muhiimka ah.
Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyey shaqadii iyo dadaalkii uu mudadii xilka hayay soo qabtay Taliyihii hore ee Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, iyagoo tilmaamay inuu door muuqda ka qaatay howlgalada amniga iyo xoojinta howlaha Ciidanka ee deegaanada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad, Gaashaanle Dhexe Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale), u rajeeyay inuu si hufan oo karti leh u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana uu sii xoojiyo howlgalada lagu sugayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah.
Taliyaha cusub ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxda sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kalsoonida loo muujiyay, isagoo balan qaaday inuu si daacadnimo leh u gudan doono waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu la shaqeyn doono dhammaan saraakiisha iyo ciidamada qeybta 60-aad si loo dardargeliyo howlaha amniga.
Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kamid ah qeybaha ugu muhiimsan ciidamada dalka, waxaana ay ka howlgashaa deegaano muhiim ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.










