Somaliland oo xirtay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada oo ka tegay Muqdisho

Waxaa magaalada Hargeysa lagu xiray saddex dhalinyaro ah oo caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo dhawaan ka tegay magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.
Dhalinyarada la xiray ayaa waxaa kamid ah Yuu Naani iyo Maslax, halka aan weli si rasmi ah loo helin magaca wiilka saddexaad. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Somaliland ay xalay ka kaxeeyeen guri ay ka deganaayeen magaalada Hargeysa.
Ilaa iyo hadda, laamaha ammaanka Somaliland si rasmi ah uma shaacin sababta ka dambeysa xarigga dhalinyaradan, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo arrintan ku saabsan.
Dhalinyaradan ayaa kamid ahaa shaqsiyaad caan ku noqday baraha bulshada gaar ahaan TikTok, waxaana ay taageerayaal badan ku leeyihiin gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda. Sidoo kale, waxay horey u tageen magaalada Laascaanood xilli ay halkaasi ka jireen xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, iyagoo muujiyay taageero ay u hayaan maamulka SSC-Khaatumo, oo khilaaf xooggan kala dhexeeyo Somaliland.
Xarigga dhalinyaradan ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sababta rasmiga ah ee loo xiray iyo halka ay xaaladdoodu ku dambeyn doonto.









