LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo abaaul dagaal u tegay Magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Safarka Taliyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso howlgalada ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee wali ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada koonfureed ee dalka.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu kulamo la qaadan doono saraakiisha ciidamada dowladda, maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo amniga ka shaqeeya, si loo dar-dargeliyo qorshayaasha militari ee ka socda gobolka Baay iyo deegaanada ku dhow dhow.

Ujeedka ugu weyn ee safarka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, kor loogu qaadi lahaa howlgalada sifeynta ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo adkeynta amniga guud ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, socdaalka Taliyaha ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay maalmaihii lasoo dhaafay kordhiyeen howlgallada ka socda gobollada Baay, Bakool iyo Hiiraan, kuwaasi oo lagu beegsanayo fariisimo iyo dhaq-dhaqaaqyo ay kooxda Al-Shabaab ka wadaan deegaanadaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *