Khilaaf ka taagan doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed iyo Urrurada oo ku dhawaaqaya…

Qaar kamid ah ururradii siyaasadeed ee ka qeyb galay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga horyimid natiijada la filayo inay shaaciyaan Guddiga Doorashooyinka, iyagoo ku dhawaaqay inay qaadaceen wax kasta oo kasoo baxa guddigaasi.
Ururradan siyaasadeed ayaa maanta shir degdeg ah ku leh Hotel Horyaal ee Magalada Baydhabo, halkaas oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista natiijada doorashada. Warar laga helayo kulanka ayaa sheegaya in madaxda ururradu isku raaceen in hanaanka ay wax u wadaan guddiga doorashooyinka uusan ahayn mid hufan, isla markaana ay jiraan walaacyo la xiriira sida loo maareeyay codadka iyo habraacyadii doorashada.
Urrurada ayaa sheegay in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo ay guddigu shaaciyaan, haddii aan marka hore wax laga qaban cabashooyinka iyo eedeymaha ay qabaan. Waxay sidoo kale guddiga ku eedeeyeen inay ku guuldareysteen inay si dhexdhexaad ah u maamulaan doorashada.
Guddiga Doorashooyinka oo la filayay inay saaka si rasmi ah ugu dhawaaqaan natiijada kama dambaysta ah ayaan wali wax war ah kasoo saarin arrintaasi. Dib u dhaca ku yimid shaacinta natiijada ayaa kusoo aadaya xilli xalay guddiga loo gudbiyay warqad rasmi ah oo ay ururrada siyaasadeed ku caddeynayeen mowqifkooda diidmada ah.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in guddigu haatan wadaan kulamo iyo wadatashiyo la xiriira xaaladda cakiran ee ka dhalatay muranka doorashada, inkastoo aan wali si rasmi ah loo ogeyn goorta ay natiijada shaacin doonaan.









