Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, oo sheegay in shacabka Somaliland ay kasoo horjeedaan aqoonsiga Israa’iil.
Barkhad Batuun ayaa sheegay in muddo ka badan 35 sano ay shacabka iyo dowladda Somaliland si mideysan uga taagnaayeen qadiyadda madaxbannaanida, isla markaana aysan waxba ka beddeli karin, sida uu hadalka u dhigay, “wararka marin-habaabinta ah” ee ka imaanaya Muqdisho.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in xiriir kasta oo caalami ah oo ay Somaliland la yeelato dalalka kale, oo ay ku jirto Israa’iil, uu qayb ka yahay dadaalka ay ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah. Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinka noocaas ah ay fure u noqon karaan in beesha caalamku si dhab ah u qiimeyso geeddi-socodka dawladnimo ee Somaliland, oo uu ku sifeeyay mid ku dhisan dimuqraadiyad iyo xasillooni.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay mowqifkeeda ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, iyadoo ka digtay tallaabo kasta oo dhaawici karta qaranimada Soomaaliya.









