LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Qaar kamid ah Ciidamadii Badbaadada Koonfur Galbeed oo la dilay iyo xiisad ka dhalatay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, askarta la dilay ayaa ka soo horjeeday maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyaga oo kamid ahaa Ciidamadii Badbaadada Koonfur Galbeed ee ka yimid degmada Buurhaba, isla markaana meesha ka saaray Maamulkii laftagareen.

Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in kooxihii ka dambeeyay falkaasi ay u baxsadeen dhanka deegaanka Awdiinle, halkaas oo lagu waramayo in ay isku abaabulayaan ciidamo taabacsan Lafta Gareen oo horey ugu sugnaa deegaankaasi.

Weerarkan ayaa u muuqda mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, iyadoo tani ay imaneyso xilli xiisado amni ay ka jiraan qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo dadkii ka dambeeyay dilka, isla markaana ay ku dadaalayaan in cadaaladda la horkeeno, waxaana dilkaan looga hadal-haayaa Magaalada Baydhabo iyo Guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *