LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Somaliland oo cambaareysay weerar ka dhacay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka, kaas oo ka dhacay meel u dhow xarunta tamarta Nukliyeerka ee Barakah ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in weerarkaasi yahay fal khatar ku ah nabadda, xasilloonida gobolka iyo madaxbannaanida dalka Imaaraadka Carabta.

Somaliland waxa ay tilmaantay in falalka noocan ahi ay dhaawacayaan amniga caalamiga ah isla markaana khatar weyn gelinayaan kaabeyaasha muhiimka ah ee adeegyada shacabka.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale xaqiijisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta xilligan adag, iyadoo muujisay taageero joogto ah oo ku wajahan dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida dalkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay mar kale ku celinayso mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah dhammaan noocyada argagixisada, rabshadaha iyo weerarrada lagu beegsado xarumaha rayidka iyo kaabeyaasha muhiimka ah.

Xukuumaddu waxa ay ugu baaqday beesha caalamka in si wadajir ah looga hortago falalka halista ku ah amniga gobolka iyo badqabka shacabka, gaar ahaan weerarrada lagu bartilmaameedsado goobaha muhiimka u ah nolosha bulshada iyo xasilloonida dalalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *