LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Hooyo Umuliso ah oo Muqdisho loogu xiray codis ay u dirtay Xasan Sheekh

Drs Xabiibo Cabdi Xalane oo ah dhaqtarad umuliso ah kana mid ahayd dadka ka cabanayay barakac iyo burburin guryo oo ka dhacay deegaanka Buula Daa’uud ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu xiray saldhigga degmada Shibis kadib markii ay ka qeybgashay bannaanbax ay dhigeen shacabka deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Drs Xabiibo ay muddo dheer adeeg caafimaad iyo umulisonimo u fidinaysay qoysaska danta yar ee ku nool degmada Shibis, isla markaana ay ahayd qof bulshada si weyn ugu adeegta.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa tilmaamaya in Drs Xabiibo ay fariin toos ah u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir (Muungaab), iyadoo ka codsatay in la joojiyo barakicinta iyo burburinta lagu hayo shacabka ku nool deegaanka Buula Daa’uud.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in guriga ay deganeyd la burburiyay, inkastoo ay ku doodayaan in uu ahaa hanti sharci ah oo si rasmi ah loo lahaa.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Shibis ama maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan xarigga loo geystay Drs Xabiibo Cabdi Xalane.

Dhacdadan ayaa dhalisay hadal-heyn iyo walaac ku saabsan xaaladda dadka barakaca iyo burburinta guryaha ka cabanaya ee ka socda qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *