Beesha Caalamka oo heshiis ku qasbeysa Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Waxaa isa soo taraya dadaallada ay beesha caalamku ku doonayso in mar kale miiska wadahadalka la isugu keeno Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka siyaasadda dalka, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdi ka socda beesha caalamka ay dhawaan booqan doonaan magaalada Garowe, oo ah caasimadda maamulka Puntland, si ay wada-hadallo ula yeeshaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda kale ee siyaasadda.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin goobta iyo waqtiga uu shirku ka dhacayo, haddana labada dhinac ayaa muujiyay diyaar u ahaanshaha ka qaybgalka wada-hadallo cusub.
Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Francisco Di Mora ayaa sheegtay in ay wadahadal la yeelatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isla markaana ay kala hadashay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado wada-hadallada siyaasadeed.
Sidoo kale, kulan ay ergaygu kula qaadatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud gudaha xarunta Villa Somalia ayaa lagu xaqiijiyay in labada mas’uul ay diyaar u yihiin inay ka qayb galaan wada-hadal ku saabsan dhismaha nidaam doorasho oo ku saleysan hannaan dimuqraadi ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in beesha caalamku ay si weyn u danaynayso in la helo is-afgarad siyaasadeed oo horseedi kara xasillooni iyo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.









