Somaliland iyo Israa’iil oo heshiis cusub kala saxiixanaya iyo xog laga helay

Somaliland ayaa shaacisay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu wada hadal dhinaca taleefanka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashi cusub oo ku saabsan amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka siyaasadeed ee labada dhinac.
Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, oo Somaliland dhawaan u magacowday Tel Aviv, ayaa sheegay inuu goobjoog ka ahaa wada hadalkaasi, isaga oo tilmaamay in labada hoggaamiye ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka Somaliland iyo Israa’iil “heerka ugu sarreeya.” Safiirku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiisyada ama qodobada gaarka ah ee laga wada hadlay.
Wadahadalkan cusub ayaa imanaya xilli xiriirka Somaliland iyo Israa’iil uu si weyn usoo xoogeysanayay bilihii u dambeeyay, kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland dhammaadkii sanadkii 2025.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa hore u sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen furashada safaarado rasmi ah, iyadoo Somaliland ay qorsheyneyso inay safaarad ka furato magaalada Qudus (Jerusalem), halka Israa’iil ay safaarad ka yeelan doonto Hargeysa.
Go’aanka Somaliland ee ku aaddan furashada safaarad ku taalla Qudus ayaa durba dhaliyay falcelin xooggan oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowladaha Carabta, kuwaas oo cambaareeyay tallaabadaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku tilmaantay xiriirka sii xoogeysanaya ee Somaliland iyo Israa’iil “faragelin lagu sameynayo madax-bannaanida Soomaaliya.”









