Senator Cabdi Qeybdiid oo ka baxay Garabka Mucaaradka kana qeyb galaya…

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa la xaqiijiyay inuu ka baxay garabkii mucaaradka dowladda Federaalka, isagoo u safray magaalada Gaalkacyo si uu uga qeyb galo ololaha doorashada maamulka Galmudug.
Qaybdiid oo kamid ahaa xubnaha sida weyn uga dhex muuqday siyaasiyiinta mucaaradka ayaa bilihii lasoo dhaafay si joogto ah uga qeyb geli jiray shirar iyo kulamo lagu dhaliilayay hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Senatorka ayaa sidoo kale kamid ahaa mudaneyaasha Aqalka Sare ee mowqif adag ka qaatay arrimo siyaasadeed oo la xiriiray doorashooyinka iyo maamulka dalka.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow siyaasiga ayaa sheegay in socdaalka Qaybdiid ee Gaalkacyo uu salka ku hayo ka qeyb galka doorashada tooska ah ee ka socota Galmudug, isla markaana loo ballanqaaday inuu dib u heli doono kursigiisa Aqalka Sare.
Wararka ayaa intaas ku daraya in isbedelka mowqifka siyaasadeed ee Qaybdiid uu yimid kadib wadahadallo siyaasadeed oo maalmihii dambe socday, kuwaas oo la xiriiray isku diyaargarowga doorashada hoggaanka Galmudug iyo dib u habeynta isbahaysiyada siyaasadeed.
Dhanka kale, magaalada Gaalkacyo ayaa martigelinaysa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan, iyadoo musharixiinta u taagan hoggaanka Galmudug ay bilaabeen ololeyaal ay ku kasbanayaan taageerada xildhibaannada iyo bulshada deegaanka.
Musharrax Liibaan Axmed Xasan ayaa la sheegay inuu helay taageero ballaaran oo kaga timid madaxda dowladda Federaalka, siyaasiyiin saameyn leh iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, taas oo sare u qaaday fursadaha uu ugu jiro tartanka hoggaanka maamulka.









