LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo soo saaray War kulul kuna dhawaaqay banaanbaxyo kale

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay tallaabooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hor istaagtay bannaanbax nabadeed oo la qorsheeyay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay xaaladda barakaca shacabka, burburinta guryaha iyo cabashooyin la xiriira amniga iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Warsaxaafadeedka oo ku taariikheysan 11-ka May 2026 ayaa lagu sheegay in bannaanbaxaasi uu ahaa mid nabadeed oo loogu talagalay in shacabka ay si xor ah ugu muujiyaan cabashadooda ku aaddan xaaladaha adag ee ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan burburinta guryaha, barakicinta qoysaska iyo dhibaatooyinka amni.

Madashu waxay sheegtay in dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uu si cad u dammaanad qaadayo xorriyadda isu imaatinka iyo bannaanbaxyada nabadeed, isla markaana aan la aqbali karin in shacabka laga hor istaago xuquuqdooda dastuuriga ah.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa dowladda ku eedeysay inay adeegsatay ciidamo kala duwan oo ay ka mid yihiin militari, booliis iyo nabad sugid si loo kala eryo bannaanbaxayaasha, loona cabsi geliyo siyaasiyiinta mucaaradka iyo shacabka taageersan dibadbaxa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in waddooyinka qaar la xiray, gaadiidka la joojiyay, isla markaana ciidamada ammaanku ay hareereeyeen guryaha qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka si looga hortago qabsoomidda bannaanbaxa.

Sidoo kale, Madashu waxay sheegtay in degmada Dayniile ay ciidamada ammaanku rasaas nool ku fureen dibadbaxayaal nabadeed, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Warsaxaafadeedka ayaa tilmaamay in hal qof uu ku dhintay rasaasta halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si kulul u dhaliishay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, iyagoo sheegay in dowladdiisu ay waddo tallaabooyin lagu caburinayo mucaaradka iyo shacabka aragtida ka duwan qaba.

Waxay sidoo kale tilmaameen in qaar kamid ah ciidamada loo adeegsanayay kala diridda bannaanbaxyada laga soo celiyay furimaha dagaalka ee lagula jiro Al-Shabaab, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid dhaawaceysa dadaallada amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxdaas.

Madashu waxay sheegtay in xayiraadaha iyo hakinta isu socodka magaalada Muqdisho ay saameyn weyn ku yeesheen nolosha shacabka, ganacsiga, iskuullada iyo adeegyada bulshada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *