LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo xirtay Dhalinyarao Bajaajlayaal ah iyo Farmaajo oo Cambaareeyay

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen laba kamid ah dhalinyarada ku shaqeysa mootooyinka Bajaajta, kuwaas oo ka howlgala gudaha caasimadda.

Labada dhalinyaro ee la sheegay in la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Cali Ibraahim, kuwaas oo sida la sheegay si joogto ah u dhaliili jiray habdhaqanka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xarigga labada dhalinyaro uu dhacay maalmahan u dambeeyay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababaha rasmiga ah ee loo cuskaday tallaabadaas.

Farmaajo ayaa sheegay in tallaabadan ay dhaawaceyso kalsoonida shacabka iyo dowladnimada, wuxuuna yiri:

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa afduubka iyo xarigga sharci darrada ah ee loo gaystay muwaadiniinta xoogsatada Bajaajleyda ah ee lagu xiray Muqdisho, gaar ahaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Cali Ibraahim.”

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in caburinta shacabka iyo xarigga dadka cabashadooda muujinaya aysan horseedi karin dowladnimo iyo caddaalad.

Farmaajo ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka in si degdeg ah loo sii daayo labada dhalinyaro, islamarkaana la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “tallaabooyin lagu caburinayo shacabka rayidka ah.”

Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in muwaadiniinta ay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan aragtidooda, taas oo uu sheegay inay waafaqsan tahay dastuurka dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *