DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Uganda?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo uu uga qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo dhawaan mar kale dib loo doortay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kampala, waxaana halkaasi ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Uganda iyo diblumaasiyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, kuwaasi oo muddo dheer iska kaashanayay dhinacyada amniga, nabad ilaalinta iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Intii uu ku sugnaa Kampala, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada dhiggiisa Uganda Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka Al-Shabaab iyo arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Museveni dib u doorashadiisa, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta joogtada ah ee labada dowladood si loo adkeeyo amniga gobolka iyo horumarinta xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada shacab.

Sidoo kale, kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray doorka ciidamada Uganda ay ku leeyihiin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhinacyada amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Uganda ayaa leh xiriir qotodheer oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh, waxaana Uganda ay kamid tahay dalalka ciidamada ugu badan ka jooga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Labada dowladood ayaa sidoo kale iska kaashada tababarrada ciidamada, arrimaha diblumaasiyadda iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo gobolka ka hanaqaadda.

Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Museveni ayaa waxaa la filayaa inay ka qeybgalaan madax iyo wufuud ka kala socota dalal badan oo Afrikaan ah, iyadoo kulamo doceedyo ay madaxdu uga hadli doonaan xaaladaha amni, iskaashi dhaqaale iyo arrimaha siyaasadda gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *