LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Maanta Go’aano culus ku dhawaaqaya

Sida ay tilmaamayaan ilo-wareedyo rasmi ah, waxaa lagu wadaa in Maanta ay shir jaraa’id qabtaan siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo jeeda beelaha Hawiye, kuwaas oo la filayo in ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan nooca doorasho ee ay u arkaan mid dhexdhexaad ah oo dalka ka hirgeli karta.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in siyaasiyiintan mucaaradka ah ay muddooyinkii dambe wadeen kulamo isdaba joog ah, kuwaas oo diiradda lagu saarayay sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, xilli uu dalka ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa xaqiijiyay in hindisaha doorasho ee ay diyaariyeen uu yahay mid ay isla meel dhigeen madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Tan ayaa muujinaysa isku day ballaaran oo lagu doonayo in la helo aragti mideysan oo ka baxsan dowladda dhexe.

Sidoo kale, xogaha la helayo waxay tilmaamayaan in qorshahan cusub si rasmi ah loo soo bandhigi doono maalinta Arbacada ee toddobaadkan, iyadoo mucaaradku ku doodayaan in hindisahooda uu ka tayo wanaagsan yahay kan hadda ay waddo dowladda federaalka, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey ugu sheegay beesha caalamka in siyaasiyiinta mucaaradka aysan weli haynin qorshe doorasho oo cad oo lagala doodi karo, taas oo keentay muran sii xoogeysanaya oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda, isla markaana mucaaradka ay soo bandhigayaan qorsho doorasho oo ay kula tartami karaan Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *