Madaxweynaha Puntland oo u hanjabay DFS, Ciidamadiisana heegan geliyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markale faray ciidamada Puntland inay galaan heegan buuxa, si ay uga hortagaan cid kasta oo isku dayda inay kusoo duusho deegaanada Puntland.
Madaxweyne Deni oo khudbad u jeedinayay cutubyo ka tirsan ciidamada, xilli uu ku sugnaa magaalada Qardho, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay gashay marxalad khalkhal siyaasadeed, taasoo u baahan feejignaan dheeri ah iyo diyaar-garow militari.
“Diyaar ahaada, dalku wuxuu galay khalkhal. Cid kasta oo nasoo aada, sidii Calmiskaad ayaan cashar ugu dhigaynaa,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo si cad u muujiyay mowqifkiisa ku aaddan difaaca Puntland.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada Puntland, isagoo ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalladii ay kula galeen kooxda ISIS ee ku sugan buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari. Wuxuu xusay in ciidamada ay muujiyeen geesinimo iyo karti, isla markaana ay diyaar u yihiin inay mar kale difaacaan dhulkooda.
Hadalka Madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Somalia iyo maamulka Puntland, kaas oo soo jiitamayay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, isla markaana mararka qaar sababay xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.









