Siyaasiyiinta mucaaradka oo hakiyay bannaanbaxa, kadib qorsho soo kordhay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay xarumahoodii iyo hoygoodii kadib markii la qaaday ciidamadii dowladda ee la dul-dhigay goobaha ay deganaayeen, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo bannaanbaxyo ay mucaaradku qorsheynayeen inay dhigaan.
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in mucaaradku si ku meel gaar ah u hakiyeen bannaanbaxii ay qorsheynayeen, kadib markii ay soo farageliyeen wakiillada beesha caalamka, kuwaas oo dadaal ugu jira in xal laga gaaro khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan muhiim ah oo lagu heshiisiinayo labada dhinac lagu qaban doono xerada Xalane maalinta Arbacada ah ee taariikhdu ku beegan tahay 13-ka bishan. Kulankaasi ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, siyaasiyiin mucaarad ah iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hore ugu adkeysanayay inay sii wadi doonaan bannaanbaxyada ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo qoysaska iyo dadka rayidka ah ee guryahooda lagu dumiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee dowladda ka fulisay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay awood ciidan u adeegsatay shacabka, isla markaana aysan jirin wada-tashi iyo hannaan sharciyeed oo lagu maray burburinta guryahaasi. Waxay sidoo kale sheegeen in cabashada dadkaasi aan weli wax xal ah loo helin.
Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka iyo qaar kamid ah saaxiibada Soomaaliya, uu qeyb weyn ka qaatay qaboojinta xiisadda iyo hakinta bannaanbaxa.
Saaka xaaladda magaalada Muqdisho ayaa ah mid deggan, waxaana dib loo furay qaar kamid ah waddooyinkii la xiray maalmihii lasoo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira shacab careysan oo doonaya inay si iskood ah uga dhiidhiyaan tallaabooyinka dowladda, inkastoo aan weli la shaacin abaabul rasmi ah oo ku saabsan bannaanbaxyo cusub.









