LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha Puntland oo hal arrin darteed u tegaya Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah soo gaaro magaalada Mogadishu, si uu uga qeyb galo kulan siyaasadeed oo muhiim ah oo lagu qaban doono gudaha xerada Halane ee Magalada Muqdisho.

Kulankan ayaa la sheegay inuu diiradda saari doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo hanaanka doorashooyinka ee la isku hayo. Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulanka ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka socda mucaaradka siyaasadda dalka.

Mucaaradka ayaa waxaa la filayaa inay matalaan Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo si weyn uga aragti duwan Dowladda Federaalka qaabka loo wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ajandayaasha ugu muhiimsan ee kulanka looga hadli doono ay kamid yihiin heshiiska doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, amniga guud ee dalka iyo sidii loo heli lahaa hannaan siyaasadeed oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada kala duwan.

Sidoo kale, wakiillada Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay dadaal xooggan ku bixinayaan sidii Dowladda Federaalka iyo mucaaradka loogu cadaadin lahaa inay gaaraan is afgarad siyaasadeed, si looga fogaado khilaaf horleh oo saameyn ku yeesha xasilloonida dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha la xiriira nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ay marar badan walaac ka muujiyeen qorshaha Dowladda Federaalka ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *