LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ah, xilli xaaladda Muqdisho ay tahay mid kacsan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay kaga qeyb-galayaan munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Yoweri Museveni.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee kala dhexeeya dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa door weyn ku leh howlgalka nabad ilaalinta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Inta uu ku sugan yahay Kampala, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Uganda, Madaxweyne Yoweri Museveni, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ciidamada, iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan ka jooga Soomaaliya, waxaana ciidamada Uganda ay qeyb muhiim ah ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo wada shaqeynta dalalka gobolka si loo dardar-geliyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Marka ay soo dhammaato munaasabadda caleemo-saarka ee Uganda, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay u sii gudbaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka Madaxda Afrika iyo Faransiiska.

Shirkan oo socon doona inta u dhaxeysa 12-ka illaa 14-ka May ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga u dhaxeeya dalalka Afrika iyo dowladda Faransiiska, iyadoo laga wada hadli doono arrimo ay kamid yihiin amniga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha, isbeddelka cimilada iyo taageerada dib-u-dhiska dalalka Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo doceedyo gaar gaar ah la yeesho qaar kamid ah madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galaya shirkaasi, si looga arrinsado xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *