LATEST NEWSLOCAL NEWS

Siyaasi Koofi oo Dowladda Soomaaliyau diray farriin hanjabaad iyo digniin ah

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeysatay kadib markii maanta dowladda Federaalka Soomaaliya lagu eedeeyay inay isku-dayday inay xoog ku hor-istaagto bannaanbax ay qorsheeyeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Xoghayaha Golaha Samatabixinta, Maxamed Aadan Koofi, ayaa hadal culus oo u muuqda digniin siyaasadeed ku daabacay bartiisa Facebook, isagoo ka falcelinayay tallaabada dowladda iyo ciidamada la sheegay in la dhigay goobihii la qorsheeyay in bannaanbaxa uu ka dhaco.

“Weli waxaan aaminsannahay dowladnimada iyo in sharcigu shaqeeyo, haddii la waayo Soomaalidu waxay leedahay xeerar kale oo shaqeeya marka laga maarmi waayo!” ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi.

Hadalka Koofi ayaa si weyn loogu fasirtay digniin ku wajahan dowladda Federaalka, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey ugu dhawaaqay inay maanta bannaanbax nabadeed ka dhigi doonaan magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku muujinayaan diidmadooda ku aaddan burburinta guryaha shacabka, xaaladda amni iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay caburin ku heyso xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka shacabka, halka dowladda Federaalka ay horay u sheegtay inay ka shaqeyneyso sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida caasimadda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *