LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiyiin kale oo jidka laga celiyay iyo xaaladda oo kacsan

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa is-hor taag ku sameeyay wafdi ay hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiga CabdiraxmaanCeynte, kuwaas oo ku sii jeeday guriga Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in Rooble iyo Cabdiraxmaan Ceynte ay qorsheynayeen inay guriga Kheyre kaga biiraan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee isu diyaarinaya bannaanbaxa maanta lagu wado inuu ka dhaco garoonka ciyaaraha ee degmada Cabdicasiis, gaar ahaan garoonka Koonis, balse ay dib ugu soo laabteen guriga Rooble

Ciidamo aad u hubeysan oo dowladda ka tirsan ayaa lagu arkayay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in gaadiidka qaar la joojiyay, halka dhaq-dhaqaaqyada siyaasiyiinta mucaaradka si gaar ah isha loogu hayo.

Dhanka kale, mucaaradka dowladda Federaalka ayaa dowladda ku eedeynaya inay waddo cadaadis siyaasadeed iyo caburin ka dhan ah madaxda mucaaradka, xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan abaabulo la xiriira bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Mucaaradka ayaa hore u sheegay in bannaanbaxoodu yahay mid nabadeed oo lagu muujinayo cabashooyin ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed, arrimaha doorashooyinka iyo waxa ay ku tilmaameen burburinta iyo barakicinta shacabka Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *