Sheekh Shariif oo Go’aan cusub ku dhawaqay iyo bannaanbixi mucaaradka oo…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyay in bannaanbixii ay mucaaradka ku balansanaayeen uu si rasmi ah u dhacayo, isla markaana lagu qaban doono Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay agagaarka Isgoyska Marinaayo ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay go’aansadeen inay aqbalaan goobtii ay dowladda Soomaaliya u qorsheysay in bannaanbaxa lagu qabto, kaddib markii ay qiimeeyeen xaalado kala duwan oo la xiriira amniga iyo duruufaha jira.
“Annaga oo eegaynna waxyaabo badan ayaan go’aansannay in bannaanbaxa uu ka dhaco Garoonka Injineer Yariisow,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo hadalkiisa kooban ku caddeeyay in isu soo baxa uu furmi doono saacadda 11:00-ka barqanimo ee maanta.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey dowladda Federaalka ugu eedeeyay inay caqabado ku hayso isu soo baxooda, isla markaana ay ciidamo badan dhigtay qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda horay u sheegtay in ay diyaar u tahay in bannaanbax nabdoon la qabto, balse ay muhiim tahay in la ilaaliyo amniga guud ee caasimadda iyo badqabka shacabka.
Ilaa hadda lama oga sida dowladda Federaalka uga falcelin doonto go’aanka mucaaradka ee ah in bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow, iyo in ciidamada ammaanka ay fududeyn doonaan in isu soo baxaasi si nabad ah ku qabsoomo.









