LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasi Caan ah oo sheegay in Dowladdu dil u qordheysay Sacdiyo Bajaaj

Siyaasiga Naasir Cige oo ah musharrax madaxweyne ayaa soo bandhigay eedeymo culus oo ku wajahan xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuwaas oo la xiriira gabadha lagu magacaabo Sacdiyo Bajaaj oo haatan u xiran Dowladda Soomaaliya.

Naasir Cige ayaa sheegay in uu hayo warar sirdoon oo muujinaya in dowladda qorsheyneyso inay si rasmi ah u sharaxdo xarigga Sacdiyo, iyagoo ku doodaya in loo xiray sababo amni oo la xiriira badbaadinteeda. Sida uu sheegay, qorshahan ayaa lagu doonayaa in lagu daboolo eedeymo hore oo ku saabsan sharci-darro.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in uu jiro qorshe kale oo halis ah, kaas oo lagu sheegay in gabadha marka la sii daayo kadib lagu khaarajin karo shirqool, si eedda loogu jeediyo mucaaradka dowladda. Wuxuu arrintan la xiriiriyay dhacdadii hore ee Ikraan Tahliil oo wali dood badan ka taagan tahay.

Ilaa hadda, dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin eedeymahan cusub.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *