LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Geeri Naxdin Leh: Saddex Walaalo ah oo Muddo Gaaban Gudahood ku Geeriyooday

War murugo leh ayaa laga helayaa qoys Soomaaliyeed oo ku nool Puntland, kuwaas oo saddex wiil oo walaalo ah ay ka geeriyoodeen muddo aad u kooban gudaheed, waana dhacdo si weyn u taabatay bulshada.

Alle ha u naxariistee, Jiib Gurey Bootaan ayaa ahaa walaalka ugu horreeyay ee geeriyooda, kaddib markii uu ku dhintay dagaalka Calmiskaad oo ay Puntland kula jirtay Kooxda Daacish bishii February 2025.

Sidoo kale, walaalkiis Cabdifataax Gurey Bootaan ayaa isna isla goobtaas ku geeriyooday bishii August 2025, isagoo ka mid ahaa dadkii ku naf waayay dagaalka Calmiskaad.

Ugu dambeyn, walaalkii saddexaad Cabdisamed Gurey Bootaan ayaa xalay ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Geerida saddexdan walaalo ah oo si isku xigta u dhacday muddo gaaban gudaheed ayaa ah mid aad u xanuun badan, isla markaana si weyn u saameysay ehelkooda iyo guud ahaan bulshada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *