Siciid Deni oo qaaday tallaabo lama filaan ah, xilalkiina ka qaaday…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay saxiixay wareegto xilalka looga qaaday tiro agaasimayaal guud iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsanaa wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee Puntland, sida ay ogaatay Banaadir24 Online.
Xilka qaadistan ayaa taabaneysa 12 mas’uul oo ka tirsanaa wasaarado kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Duulista Hawada, Deegaanka, Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Beeraha, Qorsheynta, Tamarta iyo Macdanta, Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda, Haweenka, iyo sidoo kale saddex mas’uul oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda.
Sidoo kale, wareegtada Madaxweynaha ayaa saameysay hay’adaha madaxa-bannaan, iyadoo xilalka laga qaaday Agaasimaha Xarunta Maareynta Xogta Biyaha iyo Dhulka Puntland (IMC), Agaasimaha Guud ee Laanta Socdaalka (Immigration-ka) Puntland, iyo Maareeyaha Hay’adda Tayadhowrka Puntland oo dhowaan la aas-aasay.
Ilaa iyo hadda lama shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay xil ka qaadistan ballaaran, mana cadda cidda si rasmi ah loogu beddelayo mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Puntland ay waddo dib-u-habeyn lagu sheegay in lagu xoojinayo hufnaanta iyo tayada maamulka.









