Sirdoonka Turkiga oo Al-Shabaab ku tuhunsan inay heshay diyaarado Drone ah iyo hub casri ah

Warar cusub oo laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in sirdoonka Turkiga ee ka howl-gala Soomaaliya uu toddobaadyadii u dambeeyay sare u qaaday walaaca laga qabo khataro amni oo isa soo taraya, kadib markii ay soo baxeen xog sheegaysa in Al-Shabaab ay heshay hub casri ah oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan diyaarado nooca drone ah oo la sheegay inay awood u leeyihiin inay ka dhuuntaan qaar ka mid ah nidaamyada difaaca.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, xogtaasi waxay keentay in si weyn loo adkeeyo feejignaanta amniga ee xarumaha muhiimka ah, gaar ahaan safaaradaha reer Galbeedka ee ku yaalla gudaha xerada Xalane. Waxaa sidoo kale la sheegay in Turkigu soo jeediyay dib-u-eegis lagu sameeyo habraacyada ilaalinta madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararku waxay intaas ku darayaan in baaritaanno dheeraad ah laga bilaabay agagaarka xarunta Villa Soomaaliya iyo goobaha muhiimka ah, iyadoo la xoojinayo tallaabooyinka looga hortagayo khataraha la xiriira weerarro suurtagal ah.
Dhanka kale, xogaha amniga ayaa tilmaamaya in qorshe ciidan oo cusub la diyaariyay si looga hortago abaabulka iyo isku diyaarinta weerarro ay kooxdu wadday toddobaadyadii la soo dhaafay. Qorshahan ayaa la sheegay inuu xoogga saarayo deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu tuhunsan yahay inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo sii kordhaya.
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in qorshahan cusub uu daba socdo howlgal hore oo la sheegay inuusan gaarin natiijadii laga filayay, iyadoo ciidamada iyo dhinacyada taageeraya dowladda ay hadda diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa gulufka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.









