Jab Horleh oo Al-Shabaab Soo Gaaray: Laba Xubnood oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Laba xubnood oo hore uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa shalay isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 54-aad ee Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad, kuwaas oo fariisin ku leh deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan.
Labadan xubnood oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamuud Maxamed iyo Cabdikariin Amiin Nuur, ayaa la sheegay inay si iskood ah uga soo baxsadeen kooxda, iyagoo isu dhiibay ciidamada dowladda.
Taliyaha Ururka 54-aad ee Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad, Laba Xiddigle Xuseen Xasan Shiiraar, ayaa warbaahinta u soo bandhigay labada nin, isagoo xaqiijiyay inay si iskood ah isu soo dhiibeen, isla markaana ay hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Is-dhiibistan ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada dowladda ay kordhiyeen cadaadiska militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo saraakiishu ay marar badan ku baaqeen in xubnaha kooxda ka tirsan ay ka faa’iideystaan fursadda isu soo dhiibidda si ay uga baxaan dagaalka. Dowladda Federaalka ayaa hore u sheegtay in xubnaha ka soo goosta kooxda la marin doono hannaan dib-u-habeyn iyo dhaqan-celin, iyadoo lagu dhiirrigelinayo kuwa kale ee weli ku jira Al-Shabaab inay ka tanaasulaan fikirka kooxdu ku dhisan tahay.










