Puntland oo hoteellada ku soo rogtay amar cusub oo ku saabsan lammaanayaasha
Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland ayaa soo saartay amar cusub oo dhigaya in hoteellada iyo goobaha kale ee hoyga aysan wada dejin karin nin iyo haweeney aan haysan shahaadada nikaaxa ama guurka.
Wareegto ku taariikhaysan 16-ka Agoosto 2026, oo uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Avv. Cabdirashiid Barkhadle Warsame, ayaa lagu faray dhammaan hoteellada, apartment-yada iyo guest house-yada Puntland inay xaqiijiyaan caddeynta guurka ka hor inta aysan hal qol ama hoy wada siin lammaane.
“Goobaha hoyga (Hotelada, Apartmentiyada, Guest houseyada) aaney wada jiifsan kareyn lamaanaha aan haysan Shahaadada Nikaaxa/Guurka oo ay bixisay Wasaaradda Cadaaladdu,” ayaa lagu yiri go’aanka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan lagu saleeyay Shareecada Islaamka, qiyamka qoyska, dhowrsanaanta iyo anshaxa bulshada, iyadoo sidoo kale tixraacday qodobbo ka tirsan Dastuurka Puntland iyo Xeerka Anshaxa Qoyska.
Wareegtada ayaa sidoo kale tilmaamaysa in shahaadada nikaaxa ay tahay mid ay bixiso Wasaaradda Cadaaladdu, halka qofka guurka fulinaya laga doonayo inuu yahay Sheekh ruqsad ka haysta Wasaaradda Cadaaladda.
Amarka waxaa si toos ah loogu socodsiiyay dhammaan hoteellada iyo isu-duwayaasha Wasaaradda Cadaaladda ee gobollada Puntland, waxaana ogeysiiska lala wadaagay taliska Ciidanka Booliska, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Go’aankan ayaa ka dhigan in goobaha hoyga ee Puntland laga doonayo inay hubiyaan caddeynta nikaaxa/guurka marka ay dejinayaan lammaane doonaya inay wada hoydaan.










