Shirka Wakiilada Beesha Caalamka ku dhex-dhexaadinayaan DFS iyo mucaaradka oo furmay

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xeyndaabka Xalane ayaa maanta waxaa ka furmay shir siyaasadeed xasaasi ah oo saddex geesood ah, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan mucaaradka iyo wakiillo ka socda Beesha Caalamka oo garwadeen ka ah wada-hadallada.
Shirka oo si weyn isha loogu hayo ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka dalka, xilliga ay qabsoomayaan iyo nooca doorasho ee lagu geli doono marxaladda soo socota. Kulankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashada iyo heshiiska siyaasadeed ee loo dhan yahay.
Dhanka dowladda waxaa shirka uga qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, kuwaas oo matalaya dowladda federaalka.
Sidoo kale, mucaaradka waxaa kulanka ku matalaya Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Said Abdullahi Deni iyo Guddoomiyaha Xisbiga Xaqsoor Abdirahman Aynte.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulanka maanta si gaar ah loogu falanqeynayo sidii heshiis looga gaari lahaa jadwalka doorashada dalka, nooca doorasho ee la qaadanayo iyo sidii loo yareyn lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in wakiillada Beesha Caalamka ay cadaadis ku saarayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay isla meel dhigaan xilliga rasmiga ah ee doorashada iyo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyadu, si looga fogaado dib u dhac ama muran siyaasadeed oo cusub.
Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladda amniga, xasilloonida siyaasadeed iyo muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho hannaan doorasho oo lagu wada kalsoon yahay, iyadoo laga duulayo duruufaha siyaasadeed iyo amni ee dalka ka jira.
Kulankan oo si adag loo xaddiday tirada kasoo qeyb galeysa ayaa la filayaa inuu soo gabagaboobo maanta, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin qodobbada laga heshiin doono ama war-murtiyeedka kasoo bixi doona.









