Dowladda Soomaaliya oo xil u magacaawday Sarkaal saaxiib dhow la ah Madaxweyne hore Sheekh Shariif

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Taliye Cali Xuubeey u magacawday xilka Taliyaha Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilli ay magaalada Muqdisho ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo abaabul amni oo sii xoogeysanaya.
Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa xilli ay isa soo tarayaan wararka la xiriira kala shakiga siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada, gaar ahaan kuwa lagu tuhunsan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda ay ka cabsi qabtay in Taliye Cali Xuubeey uu la safto Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, maadaama la tilmaamayo inay yihiin ehel dhow, arrintaas oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay sababta degdegga loogu magacaabay xilkan cusub.
Magacaabista Cali Xuubeey ayaa sidoo kale dib usoo xusuusineysa dhacdo bishii hore ka dhacday magaalada Muqdisho, markii ciidamada dowladda ay si xoog ah uga qaadeen gaari dagaal oo ay wateen ciidamo la sheegay inay daacad u ahaayeen taliye Cali Xuubeey.
Dhacdadaasi ayaa ka dhacday agagaarka Elite Hotel, xilli uu halkaasi ku sugnaa taliye Cali Xuubeey. Wararka ayaa xilligaas tilmaamay in ciidamada dowladda ay ka hortagayeen dhaq-dhaqaaqyo ay uga shakiyeen inay la xiriiraan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagnaa Muqdisho.
Ilo amni ayaa sheegay in tallaabada lagu qaaday ciidamadaasi ay sare u qaaday shakiga laga qabo kala qeybsanaanta gudaha ciidamada dowladda, iyadoo saraakiil badan lagu eedeynayo inay xiriir dhow la leeyihiin dhinacyada siyaasadda dalka isku haya.









