LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Shirka mucaaradka oo weli socda iyo Culimo Caan ah oo ku biiray

Waxaa maalintii labaad si rasmi ah uga socda guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed shir ballaaran oo ay leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Shirka oo si habsami leh u socda ayaa maanta waxaa lagu arkay qaar kamid ah culimada caanka ah ee magaalada, kuwaas oo door muuqda ku leh saameynta bulshada. Waxaa kamid ah Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka tirsan culimada sida weyn u taageerta dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo muujinaysa in shirka uu yeeshay ka-qaybgal ka baxsan oo dhinacyo kala duwan ah.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa saldhigga ku leh Muqdisho, ayaa si buuxda uga qaybgalaya kulanka, iyadoo la filayo in uu socdo ilaa maalinta Jimcaha ee toddobaadkan.

Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo eedeymaha ku aaddan damaca la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo muddo kororsi.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo xooggan oo ay ku mideysanayaan mowqifkooda, iyagoo doonaya inay si wadajir ah uga hortagaan tallaabo kasta oo ay u arkaan mid halis ku ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo kala dambeynta dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *