Qax ka bilaawday qeybo kamid ah magaalada Baydhabo kadib markii ciidamada Laftagareen…

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qeybo kamid ah shacabka magaalada ay weli ka barakacayaan guryahooda, kadib cabsi xooggan oo laga qabo in magaalada ay mar kale ka qarxaan iska horimaadyo hubeysan.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa xalay fiidkii galay xaafado kala duwan oo kuyaalla Baydhabo, halkaas oo ay saacado badan ku sugnaayeen kahor inta aysan dib uga bixin.
Dhaqdhaqaaqyadaasi militari ayaa sare u qaaday xiisadda magaalada, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan walaac xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada dagaal mar kale ka qarxa gudaha Baydhabo.
Goobaha qaar ayaa lagu soo waramayaa in qoysas badan ay bilaabeen inay ka guuraan xaafadahooda, iyagoo u baxaya deegaanno ay u arkaan kuwo amni ahaan ka nabdoon, halka dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka magaalada uu si weyn hoos ugu dhacay saacadihii lasoo dhaafay.
Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa dhankooda dhaqdhaaqyo milatari kawada gudaha magaalada Baydhabo oo Saadihii dambe ee shalay ilaa xalay lagu arkayay gawaari gaashaaman iyadoo warar hoose ay sheegayaan in ciidamo dheeraad ah ay dowlada geysay magaalada Baydhabo kadib markii ay ka war heshay ciidamada taabacsan Laftagareen oo xalay ilaa habeen hore ku sugnaa qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.









