LOCAL NEWSWARARKA

Shir aan caadi aheyn oo ka dhacay Baydhabo, xilli la qabanayo doorashooyinka qof iyo Codka ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya, mudane Cabdi Kariim Axmed Xasan, oo maalmahan ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlay sugidda amniga doorashooyinka la qorsheynayo inay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan hay’adaha kala duwan ee amniga iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa qorsheyaasha lagu sugayo amniga goobaha doorashooyinka, shaqaalaha guddiga, iyo shacabka ka qeyb galaya hannaanka doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka mudane Cabdi Kariim Axmed Xasan ayaa saraakiisha amniga kala hadlay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo adkeeyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo guddiga doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in doorashooyinka ay ku dhacaan jawi amni iyo xasillooni leh.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu falanqeeyay caqabadaha amni ee suuragalka ah ee saameyn kara geeddi-socodka doorashada, iyadoo saraakiisha amniga ay soo bandhigeen qorsheyaal iyo tallaabooyin lagu xaqiijinayo badqabka goobaha codbixinta iyo ilaalinta amniga guud ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada kale ee doorashooyinka lagu qabanayo.

Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka ayaa dhankiisa tilmaamay in guddigu uu wado dadaallo lagu dardargelinayo diyaar-garowga doorashooyinka, isaga oo xusay in amniga uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu dardar gelinayo howlaha la xiriira hirgelinta doorashooyinka dowlad-goboleedyada dalka, iyadoo Baydhabo ay kamid tahay magaalooyinka muhiimka ah ee laga wado qabanqaabada doorashooyinka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *