LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Qaraxyo ay Askar ku geeriyoodeen oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay afaafka hore ee degmada Awdheegle, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada Uganda.

Sidoo kale, qarax labaad ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda oo watay mooto, kuwaas oo ka baxay deegaanka Mubaarak kuna sii jeeday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku geeriyoodeen laba askari, halka askari kale uu ku dhaawacmay.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxyadu ay saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqii gaadiidka iyo ciidamada ee halkaasi ka socday, iyadoo ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlgallada ka socda waddooyinka u dhaxeeya Mubaarak iyo Awdheegle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan ka dhacay deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *