Sawirro:- Wasiirkii hore ee Amniga ee Maamulkii Laftagareen oo Ciidamo la yimid Gobolka Baay & Xaaladda oo…

Warar isa soo taraya oo laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo Afhayeenkii hore ee maamulkaasi Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) ay iyagoo hubeysan lagu arkay qeybo kamid ah gobolkaasi Baay.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada mas’uul ee hore ay ku sugan yihiin deegaanno kamid ah Gobolka Baay, halkaas oo la sheegay inay ka wadaan abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo cusub.
Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Xasan Cabduqaadir iyo Xasan Eelaay oo ku labisan darees ciidan, islamarkaana wata hub, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan iyo walaac ku saabsan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa intaas ku daraya in labada mas’uul ay doonayaan inay dib usoo abaabulaan taageerayaashooda, iyagoo la sheegay inay qorsheynayaan guluf siyaasadeed iyo mid ciidan oo la xiriira magaalada Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in kulamo kala duwan ay la yeesheen xubno taageersan iyo maleeshiyaad deegaanka ku sugan, iyada oo ujeedadu tahay abaabulka dadka si ay Baydhabo u qabsadaan ka hor doorashada hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed.










